Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo & khasaaro ka dhashay

by admin | Tuesday, Jan 26, 2021 | 325 views

Dagaalka oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaan duleedka ka ah magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, waxana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, sida ay sheegeen saraakiil Ciidan kadib markii Ciidamada  dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen degaanka Saaydheeloow 30km dhinaca Waqooyi uga beegan Magalada Baydhabo, waxana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen fariisin ay degaanka Saaydheeloow ku lahaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Wararka sidoo kale dagaalka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku dhintay dagaalka, waxana la xaqiijiyay geerida Nuunoow Sheekh Isxaaq oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya oo gurmad ahaan looga qaaday Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Xubno ka tirsan laamaha Amniga Dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la sheegay inay Maanta Magaalada Baydhabo kusoo bandhigeen meydadka xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay degaanka Saaydheeloow e gobolka Baay.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay degaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, sidoo kalena saameeyay dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response