Xildhibaano bilaabay dadaalo lagu xalinayo arrinta Gobolka Hiiraan

by admin | Tuesday, Jan 26, 2021 | 288 views

Maamulka gobolka Hiiraan aya soo dhaweeyay dadalada xildhibanada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabele ay wadan oo ku saabsan xalinta tabashada bulshada Beledweyne ay kaqaban dorashadi dhawaan kadhacday casimada dowlad goboledka Hirshabele ee Jowhar.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Muumin oo ka qeyb galay layay soo dhaweynta xildhibano soo gaaray Magaalada Beledweyn ayaa sheegay in ka maamul ahan ay soo dhaweynayaan dadaalada socda.

Xildhibaanada gaaray Magaalada Beledweyne ee kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdulle Fiidow Ganey iyo Xildhibaan Saciid Hagar Camablow oo ka Tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa sheegay in ay ka qeyb qadanayaan dadaalada xalradinta ah , waxaana ay xuseen in ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response