Kulamo loogu duceynayo Falastiin oo maanta ka dhacaya Waddamo Soomaaliya ay kamid tahay.

by admin | Friday, Oct 20, 2023 | 98 views

Kulamo loogu duceynayo Falastiin ayaa maanta oo Jimco ah lagu ballansan yahay in ay ka dhacaan Waddamo Soomaaliya ay kamid tahay si dhibka iyo xannuunka loola qaybsado shacabka dulman ee Yuhuuddu dhibaatadu ku heyso.

Baaqyo kala duwan oo loo diray Muslimiinta waxaa loosoo jeediyay in ay duco iyo bannaanbax ku garab istaagaan walaalahood dulman ee Falasteen oo todobaadka maanta dhammaadka ah laga dilay in ka badan 1,000 ruux.

Dalalka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay ‘Xasuuqa’ Yuhuuddu ka geysatay Magaalada Gaza maalmihii u dambeeyay iyada oo adeegsatay hub halis ku ah bani aadamka horayna loo mamnuucay in loo isticmaalo Dadka.

Tallaabkii xigtay ee argagaxa dhalisay waa in Ciidanka Yuhuuddu si bareer ah ay gantaal ku asqeeyeen Magaalada Gaza gaar ahaan Isbitaalka Al-Ahli waxaana ku dhintay ugu yaraan 500 oo ruux halka ayaa dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Like it? Share it!

Leave A Response