Guddoomiye Aadan Madoobe oo Shacabka Koofur Galbeed ugu baaqay in la garab istaaggo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Friday, Oct 20, 2023 | 103 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka Koofur Galbeed ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhowaan ka billaabanaya Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Aadan Madoobe ayaa sheegay Shacabka Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ku amaanay in ay kahortageen weerarrada isugu jira Qaraxyada iyo Dilalka ay geystaan ‘AS’ waxaana uu usoo jeediyay in ay kordhiyaan dedaalkooda.

Garab istaag buuxa ayuu u dalbatay Guddoomiye Aadan Madoobe in loo muujiyo howlgallada uu hoggaanka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo haatan galaya wajigiisa labaad sida uu hadalka u dhigay.

“Shacab & Ciidan Dadkaan waxa ay diyaar u yihiin in la iska xorreeyo ‘AS’ oo way aaminsan yihiin, Magaaladaan Qarax masoo galo, Dhexdeeda la isku dilo sidaas ayaa sharta ‘AS’ loo celiyay, marka maanta Ummadda Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha ula shaqeeyaan si gaar ah iyaga oo ku garab taagaan go’aanka ah in xorriyad ku noolaan” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu billowday wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kaas oo si toos ah xoogga lagu saarayo deegaannada Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland si ‘AS’ looga qabsado meelaha ay maamulaan.

Like it? Share it!

Leave A Response