Kuuriyada Waqooyi oo Badda ku tijaabisay Gantaal Shucaac ku furaya Maraakiibta!

by admin | Friday, Mar 24, 2023 | 121 views

Kuuriyada Waqooyi ayaa saakay Tijaabisay Gantaal nooca badda hoosteeda loogu talagalay in lagu qarxiyo Maraakiibta kaddibna shucaac ku furaya Maraakiibtaas sida lagu sheegay Wakaaladda Wararka u faafisa Dalkaas.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo waqtigii tijaabada Gantaalka kasoo dhex muuqday waxaa la arkay isaga oo dhoola-caddeynaya kuna qanacsan Gantaalkaas ay tijaabisay Dowladdiisa sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa arrintaan ku sifeysay in ay uga jawaabeyso daan-daansi ay sameeyeen Mareykanka, Kuuriyada Koofureed & dhinacyada kale ee Xulufada la ah Washington si loo qalqalgeliyo Xukuumadda Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Gantaalkaan Nukliyeerka ah uu sidii sunaamida ah shucaac ku furaya Maraakiibta, lagu qaadi karo Drone ama lagu jiidi karo Markab awoodi kara in uu geeyo meesha loo qorsheeyay.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka oo garabsiinaya Kuuriyada Koofureed & Kuuriyada Waqooyi ayaa sii korortay bilihii u dambeeyay, muddada dhoolatuska ay wadaan Seoul & Washington waxaa dhankeeda gantaallo Nukliyeer ah oo kala duwan tijaabineysay Pyongyang.

Like it? Share it!

Leave A Response