Qiima-koror ku yimid Maciishadda & Khudaarta Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari.

by admin | Friday, Mar 24, 2023 | 182 views

Qiima-koror saameyn taban ku reebay Dadka dantayar ayaa ku yimid qiimaha Maciishadda & Khudaarta Suuqyada Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari DG Puntland tan iyo markii la galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ganacsatada Khudaarta ayaa sheegtay in maalmo kahor curashada Bisha Ramadaan in Khudradda ay ka hooseysay qiimaha hadda la iibinayo balse marqura sare ukac xooggan laga dareemay suuqyada lagu iibiyo.

Falis Cabdiraxmaan waxa ay kamid tahay Haweenka Khudaarta ku iibiya Magaalada Boosaaso waxa ay sheegtay in marka la eego socodka suuqa uu caadi yahay balse qiimaha wax lagu kala iibsan jiray ayaa kor u kacay.

Kiilada Yaanyada ayay Falis sheegtay in Soonka kahor ay iibinayeen lacag dhan $0.5 (Saddex & toban oo shillin Soomaali ah) marka ay qaali noqota ayay tilmaamtay in aanay dhaafi jirin $0.7 (Toban & siddeed kun oo Shilin Soomaali ah) balse hadda waxa ugu yar ee la iibinayo Kiilada Yaanyada ah waa $1.3 (Soddon kun oo Shilin Soomaali ah).

Falis ayaa sheegtay in aanay garaneyn sababta halmar kor u qaadday qiimaha Khudaarta ee gaarsiisay labo laab qiimihii hore, arrintaan ayay ku tilmaamtay in jahwareer dhanka Ganacsiga ah ay keentay maadaama uu qiimuhu sal-fadhin.

“Soonka marka la gaary ma jirto badeeco aan qiimaheedu kicin, badeecadu aad ayay u kululaatay, iibka xaggeeda way fiican tahay balse Dadka Masaakiinta ah (Dantayar) ayaa la yaaban qiima-kororka, Kiilada Yaanyada waxaa la iibin jiray $0.5 ugu badnaan $0.7 maanta waxaa la kala iibsanayaa $1.3 waa qiimo kulul” Sidaasi waxaa yiri Falis Cabdiraxmaan oo Khudaarta ka Ganacsatada.

Xayaat Cali waxa ay kamid tahay Dadka uu saameeyay qiima-kororka Khudaarta, Xoolaha & Badeecadaha ee Suuqa Magaalada Boosaaso waxa ay sheegtay in Dadku la yaaban yihiin sababta kordhisay qiimaha maadaama aanay jirin isbaddel muuqda oo dhanka wax keenista ah.

Mas’uuliyiinta DG Puntland gaar ahaan kan Magaalada Boosaaso weli kama hadlin sicir-bararka ku yimid qiimaha Maciishadda & Khudaarta, qoysas badan ayaa awoodi waayay in ay iibsadaan waxyaabaha ay u baahan yihiin sabab la xiriirta lacagta ay heystaan & qiimaha waxa ay rabaan oo aanay ku iibsan karin.

 

Like it? Share it!

Leave A Response