Laba Maalin kaddib Al-Shabaab oo War kasoo saarey qarixii Muqdisho

by admin | Monday, Dec 30, 2019 | 646 views

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarixii ismiidaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyey,kaas oo  28-Bishaan ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al-Shabaab  Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab  ayaa sheegay in qaraxa ay iyaga ka dambeeyeen, Isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah iyo Ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Waxaa uu Cali Dheere qiray in qaraxa ay khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba ay gasoo gaareen dad shacab ah,balse aysan ula Dan aheyn lana kulmeen qaraxa,hayeeshee ay sii wadi doonaan beegsiga Saraakiisha Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera,isaga oo sheegay in dadka ku dhinta ay yihiin Shahiid sida uu hadalka u dhigey.

Si kastaba Warkaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay ku sheegteen mas’uuliyada qarixii Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye oo ay ku dhinteen in ka badan 100 Ruux oo u badan Shacab ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay Maanta sheegtay in qaraxaasi ay abaabulkeeda laheyd Dowlad Shisheeye baaritaana ku hayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response