Labo Wiil oo walaalo ah oo garaacitaan kudilay Nin hooyadood kala dhexeeyay Haasaawe Jecyl

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 113 views

Boliiska dalka Kenya dhinacooda ismaamulka Embu ayaa xabsiga dhigay labo wiil oo walaalo ah, kuwaa oo la sheegay in garaacis nafta uga qaadeen nin xiriir jaceyl lalahaa hooyadood.

Sidoo kale, Wiilashan oo da’dooda kala aheyd 19-sanno jir iyo 30-sanno jir ayaa si xun u garaacay ninka hooyadood xiriirka jaceylka lalahaa, falkan oo dad badan kacaroodeen ayaa ka dhacay tuulada Itherembu, ee deegaanka Mariari.

Dhanka kale, Taliyaha Boliska Koonfurta Mbeere Harrison Njuguna ayaa sheegay in saraakiisha DCI-da ee saldhigga booliska ee Kiritiri wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa sababay dilkan wiilasha xiran u geestee nin 45-sanno jir ahaa.

“Waan haynaa labada walaalaha ah, waxaana ogolaansho weydiisan doonaa maxkamadaha sharciga ee Siakago si aan u sii haysano, anagoo wadno macluumaad dheeri ah oo horseedi doona baaritaan dhameystiran,” ayuu yiri taliye Njuguna.

Waxa uu sheegay taliyaha in David Kinyua, oo 30 jir ahaa uu isku soo dhiibay ciidanka booliiska, halka wiilka kale ee Kelvin Macharia oo isna 19 jir ahaa laga soo qabtay gurigooda isaga oo hurda.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mwangi ayaa habeenkii Axada yimid guriga wiilshan qoyskiisa degnaayeen si uu ula seexdio hooyadood, wiilashada ayaana la sheegay in ay ku amreen ninka in uu guriga ka baxo , balse ninka kala hortagay gacan ka hadal sidaasna ku dileen.

“Walaalaha waxay ka codsadeen ninka inuu baxo, laakiin Mwangi ayaa iska caabiyay, wuxuuna diyaar u ahaa dagaal, laakiin, nasiib daro, waxaa ka awood batay labadii walaalo ahaa iyagoo u adeegsaday budad ay dhowr jeer la dhaceen” ayuu yiri qofkaas tuulada kunool.

Dhacdadan dilka ah oo ay geesteen wiilasha walaalaha ayaa si weyn hadal heyn uga abuurtay gudaha dalka Kenya, waxa ayna ragga qaar isaga digayeen shukaansiga hablaha ay u joogaan wiilshada waa weyn.

Like it? Share it!

Leave A Response