Ganacsade Kenyan ah oo lala xiriirinayay agab milatari oo lagu qabtay dekeda Muqdisho, oo la waayay

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 115 views

Nin ganacsade ah oo lagu eedeyay inuu si sharci darro ah usoo raray qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho ayaa la waysan yahay meel uu ku sugan yahay, kadib markii booliiska Kenya ay xireen bishii may ee sanadkan.

Qareenkiisa, iyo qoyskiisa waxay ku andacoonayaan in Zakariya Kamala Sufi Abashiekh ay 5-tii September xireen shaqsiyaad sheeganaya inay yihiin  bilays ka tirsan qeybta la-dagaalanka Argagaxisada ee dalka Kenya (ATPU). Ilaa haddana lama arag meel uu kuu xiran yahay iyo macluumaadkiisa.

Markii uu maxkamadda ka soo muuqday bishii May, ganacsadahan ayuu walaac ka muujiyay ammaankiisa sababo la xiriira hanjabaad uu kala kulmay shaqsiyaad aan la aqoonsan oo ku sugan Soomaaliya.

Ninkaan ayaa lagu eedeyay in uu gacan ka geystay markabkii waday agabka milatari ee looga soo raray dalka China una waday Al-shabaab ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigin.

Waxaa markii ugu horreysay 28-kii Abriil lagu xiray degmada Mombasa. Ka dib waxaa loo gudbiyay Maxkamadda Shanzu si xabsiga loogu sii hayo inta laga baarayo ku lug lahaanshaha shixnadaha iyo geynta agabka milatari ee kooxda Alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay in ganacsadahaasi uu ka soo iibsaday Shiinaha agab ciidan oo ay u soo wakiilatay Al Shabaab, si loogu soo qaado Soomaaliya.

19-kii May, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay la wareegtay agabkaas oo yaallay Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response