Xildhibaan Odawaa “Xukuumadda waxaa ku waajib ah qofkii danbi lagu waayey in shaqadiisii lagu celiyo.”

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 96 views

Wasiirkii hore ee amniga gudaha haddana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay xukunka saraakiil ka tirsan dowladda ayaa Xukuumadda ka codsaday in shaqadooda dib loogu celiyo saraakiisha lagu waayey dambiga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Xukuumadda waxaa ku waajib ah qofkii danbi lagu waayey in shaqadiisii lagu celiyo ammaan loogu daro, si ay u kala duwnaadaan iyaga iyo kuwii danbiga lagu helay.”

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Odawaay ayaa dadka ku taageeray, iyada oo dowladda looga codsanaya in dib shaqada loogu celsho Saraakiishaan maanta Maxkamadda dib u siisay xuriyaddoodan, kuwaa soo lagu eedeeyey in ay lunsadeen hantida dowladda.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah hay’adaha dowladda kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuq-Maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti, iyo ku Takrifal hanti dadweyne.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay xukunnada lagu riday mas’uuliyiinta iyo saraakiisha u xirnaa musuq maasuqa, waxaana xubnaha xukunkooda lagu dhawaaqay katirsanaayeen Wasaaradaha maaliyadda iyo shaqada, bangiga dhaxe iyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 11 eedeysane oo muddo ka socotay Maxkamadda dacwadooda; 5 ka mid ah waxa ay ku dhawaaqday in lagu waayey wax dambi ah halka 6 soo hartay ay ku riday xukunno kala duwan oo dhammaantooda ah xabsi.

July 6, 2023-ka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, kaddib baaris uu sameeyay Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Xafiiskiisa uu maxkamadda Gobolka Benaadir uu u gudbiyay eedeesanayaashaan, kuwaas oo uu sheegay in lagu eedeeyay; Musuqmaasuq, been abuur Document, lunsasho hanti dawladeed, ka faa’iideyso xafiis dowladeed iyo dayacaan iyo gudasho la’aanta wajibaad saarnaa.

Like it? Share it!

Leave A Response