laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo kana hadlay dagaalka Al-Shabaab

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 321 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo Ee  Xaruunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka turkiga, isaga oo sidoo kale dhawaan tegay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool  oo xaalad adag oo go’doomin ah ay kajirto.

Soo dhawyen kadib Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaalada amni ee degaannada maamulkaas iyo howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed.

Waxaa uu u hambaleeyay Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed howlgalkii ay ka fuliyeen Deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu dilay 7 Xubnood oo ka tirsan al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dowlad goboleedka koonfur galbeed uu u diyaarsan yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response