Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo la weeraray

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 332 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaannada Taabta iyo Baar-Sanguuni  ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah qaatay.

Dadka degaannadaas ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka degaannada Taabta iyo Baar-Sanguuni  waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaananda Taabta iyo Baar-Sanguuni  ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay degaannadaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyada ay ku sugan yihiin la weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response