Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay burburinta Jardiinooyinka la dhistay

by admin | Sunday, Sep 9, 2018 | 864 views

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fuliyey howlgalkii u horeeyay ee burburinta jardiinooyinka laga dhistay goobaha ganacsiga, iyadoo qorshaha uu qeyb ka tahay.

Jardiinka caawa la burburiyay ayaa ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan Aargada, waxaana goobtan laga sameystay goob ganacsi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda.

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.”ayuu tori Eng. Yariisow.

Guddoomye Yariisow ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud.

Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa caawa ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan.

Ugu dambeyn Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada KM4 ee bartamaha caasimada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response