Howlgal ka socda Buulo Burte kaddib qarax lagu dilay Askar Jabuutiyaan ah

by admin | Sunday, Sep 9, 2018 | 827 views

Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee jooga magaalada.

Howlgalkan ayaa daba socda kaddib qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen labo ka mid ah Askarta Jabuuti kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ayaa Hawada ka saaray isgaarsiinta Magaalada shalay gelinkii dambe ilaa xalay inkasta oo markii dambe la soo celiyay.

Sidoo kale Askari ka tirsan Ciidanka Jabuuti ayaa ku dhaawacmay Qarax,waxaa kale oo isna uu dhaawac soo gaaray Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ay ku dhinteen Askarta Jabuutiyaanka ah ee ka dhacay Magaaladaasi.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Magaaladaas ka dhacayay Qaraxyo u badnaa Miinooyin oo khasaare nafeed uu ka soo gaaray Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response