Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo u hambalyeeyay Shacabka

by admin | Monday, May 2, 2022 | 400 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Farmaajo ayaa si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, isaga oo dhiirri geliyey horumarka dhanka amniga iyo dib-u-habeynta Ciidamada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasadda Ciida isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa xiga uu Alle Nabad iyo Barwaaqo ku gaarsiiyo.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa iyana dhankooda Maalinta Ciida ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ku baaqay in dadka masaakiinta ah loo gurmado.

Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta siweyn looga dabaal dagayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.

Like it? Share it!

Leave A Response