RW Rooble & Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka wada hadlay dhameystirka doorashooyinka

by admin | Monday, May 2, 2022 | 462 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Saree ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalkii uu ku bixiyay sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho oo haatan meel geba-gabo ah mareeyso.

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, iyada oo ay socdaan olol xoogan oo ay wadaan Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response