Axmed Karaash ” Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato ee Ukraine lala aado

by admin | Monday, May 2, 2022 | 477 views

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu dhaqmo Dastuurka lagu hrshiiyay ee Puntland, balse hadii la waayo aysan jiri doonin wax Cadaalad ah.

Axmed Karaash oo Salaada Ciida Boqolaa Ruuxkula dukaday Magaalada Boosaaso wuxuu sheegay in Sharciga uusan noqon mid sida la rabo laga yeelo, isla markaana qofkii doono iska qaato oo uu la aado meeshii uu doono.

” Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno ayuu yiri” Axmed Karaash.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafka dhanka awooda ah ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Like it? Share it!

Leave A Response