Hoggaamiyaha Sare ee Iran oo cafiyey dadka ka badan 1,500

by admin | Monday, May 2, 2022 | 489 views

Hogaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cafinaya ama sanadaha xabsiga ka yareynaya maxaabiis dhan 1,542. Tallaabadan ayuu hogaamiyuhu u sameynayaa xuska gabagabada bisha barakeysan ee Ramadan, sida lagu qoray website-kiisa.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa “ogolaaday inuu cafiyo ama sanadaha xukunka kasoo gaabiyo 1,542 qof oo la xukumay”, munaasabba Ciidul Fitiga, taas oo gababo u ah bisha barakaysan, sida fariinta lagu yiri.

Hogmaaiyaha Sare ayaa si joogta ah u bixiya cafis wadareed, xilliyada fasaxyada diinta, isaga oo ay ka wada shaqeeyaan madaxa caddaaladda ee dalka.

Dalka Iran, maanta oo Isniinta ah ayaa looga dabbaal-degayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.

Like it? Share it!

Leave A Response