Madaxda Sare ee dowladda Somalia oo ka hadlay geerida Cali Khaliif Galeyr

by admin | Thursday, Oct 8, 2020 | 364 views

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo,guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka  Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtin leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Allha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jig jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida etoobiya.

Madaxda qaranka ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska,ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response