Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay duqeynta Gobolka Gedo

by admin | Thursday, Oct 8, 2020 | 396 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaarado loo maleynayo inay leeyihin Ciidamada Kenya ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Duqeymaha ayaa waxaa diyaaradaha ay ka fuliyeen degaannada kala ah Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga degmooyinka Beled-Xaawo & Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayan in hal ruux uu ku dhintay Afar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah Shacab Xoolo dhaqato ah.

Degaannada ay duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn dagaalamayaasha Al-Shabaab oo mararka qaar duqeymo lala beegsado, hayeeshee dadka ku waxyeeloobay yihiin Shacab.

Dowladda Kenya iyo Maamulka Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqeymahaas,waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale Ciidamada Kenya ay duqeyn ka gesyteen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response