DFS oo ka hadashay wararka sheegaya inay Shabaab siidaayeen Dhaqaatiirtii u afduubnaa

by admin | Thursday, Oct 8, 2020 | 341 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay dhakhaatiir u dhashay waddanka Cuba, oo muddo u afduubnaa.

Axmed Ciise Cawad, oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalku ay waddo dadaallo dadka afduuban lagu sii deynayo, laakiin ilaa hadda aysan xukuumadda uu ka tirsan yahay waxba ka ogeyn sii deynta dhakhaatiirta reer Cuba.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, oo aannu ku daneyno qofkii ajnabi ah oo ay Soomaaliya wax ku gaaraan, marka dadaalladaasi way socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay,” ayuu yiri wasiirka.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa shaaciyay warka ku saabsan Al-Shabaab ay sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay sanadkii hore ka afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, dhaqaatiirta ayaa la sii daayay dhammaadkii toddobaadkii hore, kaddib bilooyin wada xaajood lagula jiray kooxda.

Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah.

Like it? Share it!

Leave A Response