Somaliland oo u digtay Xubnaha ku matala Baaralmaanka labada Aqal

by admin | Thursday, Oct 8, 2020 | 375 views

Golaha Wasiirrada Somaliland Kulan ay Maanta yeesheen ayaa waxaa ay War-murtiyeed ka soo saareen arrimaha doorashooyinka Dowladda Federaalka gaar ahaan Xildhibaannada labada aqal ee matalaya Soomaaliland, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada muqdisho.

Kulanka oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa warmurtiyeedkooda ay ku sheegeen in Xildhibaannada lagu dooranayo muqdisho ee matalaya Soomaaliland ay tahay meelka dhac iyo gef loola bareerayo  Somaliland.

Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon. Ayaa lagu yiri”War-Saxaafadeedka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Soomaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response