Milatariga Soomaaliya oo baneeyay deegaano ay shalay qabsadeen iyo Al Shabaab oo dib ula wareegay.

by admin | Friday, Oct 9, 2020 | 351 views

Ciidanka Xoogga dalka ayaa isaga baxay deegaanada ka xiga dhinaca galbeed magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe iyadoo dagaalamayaasha  Al Shabaab  ay dib ugu soo laabteen deegaanada ay baneeyeen ciidanka Xoogga dalka.

Deegaanada ay ka baxeen ciidamada dowlada ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Basra,Daniga Baalow,Buulo Kuunto,Walamoy iyo qaar kale oo dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowlada ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay howlgalo ka wadeen deegaanada dhinaca Galbeed ka xiga degmada Balcad iyadoo mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen ay ka qabqabteen dhalinyaro lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin  Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay arkayeen Xubno ka tirsan Al Shabaab oo calamooda ka taagay deegaanadaas oo saacada kooban ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Macada sababta keentay in ay dib u gurtaan ciidanka dowladda ee maalmihii la soo dhaafay qabsaday deegaanadaasi.

Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadaas oo ay markii ka barakeceen cabsi ay qabeen in ay ku dul-dagaalamaan ciidanka Xoogga dalka iyo Al Shabaab.

Degmada Balcad ayaa u jirta illaa 30 KM magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya waxaana hore dhowr jeer u soo weeraray dagaalamayaasha Al Shabaab,waxayna wararkii u dambeeyay ee ka imanaya degmadaas ay sheegayaan in ay jirto cabsi xoog leh oo soo wajahday dadka ku nool.

Like it? Share it!

Leave A Response