Madaxda Waddamada Carabta oo maanta ka shiraya Xaaladda ka taagan Magaalada Gaza.

by admin | Saturday, Nov 11, 2023 | 113 views

Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Carbeed ee Sacuudiga waxaa maanta oo sabti ah ka furmaya shirka u dhaxeeya Madaxda waddamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta oo si gaar ah uga shiraya xaaladda ka taagan Magaalada Gaza.

Dhagax-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in guud ahaan loo baahan yahay in laga dhiidhiyo gumaadka Israaiil ay ku heyso Shacabka Falastiin isaga oo dhaliilay siyaasadda cusub ee Israaiil ay damacsan tahay in ay ku sal-kiciso Falastiiniyiinta.

Madaxda Waddamada Carabta ayaa shirkooda maanta marka ay soosaaraan Ajendaha waxa ay la gole tegayaan shirweynaha guud ee aan caadi ahayn ee Dalalka ku midoobay ururka Iskaashiga Islaamka oo isla berri ka furmaya Riyaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda ku casuumay ka qaybgalka shirkaan waana shirkiisii labaad oo saacado gudahood uu uga qaybgalayo Sacuudiga waxaana usii xigaya kan berri.

Soomaaliya ayaa kamid ah Dalalka Cambaareeyay dhibaatooyinka Israaiil ay ka geysaneyso Dhulka Falastiin iyada oo ku baaqday in la joojiyo guud ahaan xasuuqa Yuhuudda ay ku beegsaneyso Shacabkaas dulman.

Madaxda Waddamada Carabta ayaa kulamo gaar gaar ah yeelanaya si ay isaga xog-warreystaan xaaladda Gaza, waxa laga yeelayo, go’doonka dhan weliba leh ee Israaiil ay saartay Magaaladaas iyo duqeynta aan loo meel-dayin ee ay geysaneyso

Like it? Share it!

Leave A Response