Wabiga shabelle oo ku so Fatahay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

by admin | Saturday, Nov 11, 2023 | 129 views

Wabiga Shabeelle ayaa ka bilaabay Xaafada Magaalada Baladweyne 24kii saac ee ugu dambeeyay in uu karkaarada Jabsado madaama uu keenay biyo aad u farabadan oo ka yimid dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Meelaha uu wabiga karkaarada ka jabsaday waxaa Kamid ah, Deegaanka hoodleey, Beerta reer muudaalle, Kaliga dhaxjabis iyo Hiliada Bilis-diid oo dhamaantooda Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoos-yimaado ah.

Baladweyne waxaa soo gaaray Biyahii guurtida aha ee Mudooyinkii dambo aad dadka reer Baladweyne looga digayay waana sababta keentay in uu wabiga karkaarada Jabsado 24 saac uu ugu dambeeyay.

qaar kamid ah dadka isxilqaamka ku waday dadaalada wax looga qabanayo Fatahaada ayaa u sheegay warbaahinta in xalay biyo badan uu keenay wabiga shabeelle kaasi oo ugu dambeeyn goobahii laga shaqeeynayay xalay biyaha kasoo baxeeyn.
sidoo kale mid kamid ah gudiga Fatahaada Gobolka Hiiraan ayaa dadka reer Baladweyne ugu baaqay inta magalaada inta ku hartay in ay taxadir dheeraad ah muujiyaan madaama biyahii ay soo galeeyn xaafado kamid ah Magaalada baladweyne .

Like it? Share it!

Leave A Response