Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya oo $15 milyan u qoondeeyay dadka qatarta ugu jira fatahaadaha Elnino

by admin | Saturday, Nov 11, 2023 | 113 views

Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa u qoondeeyay 15 milyan oo dollar, si loogu taageero bulshooyinka qatarta ugu kira fatahaadda El Niño ee Soomaaliya.

Quburada cimiladu waxay saadaaliyeen in 90% saamaynta El Nino ee Soomaaliya ay hubaal tahay, lagana yaabo inay saameynta ugu badan noqoto Roobka culus iyo fatahaadaha dhacaya inta lagu jiro bilaha Oktoobar ilaa Disembar.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ilaa 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulka webiyada ay u badan tahay in ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka, iyo sidoo kale in ka badan 1.5 milyan oo hektar oo dhul beereed ah.

15-ka Milyan ee Doolarka Mareykanka ah ayaa loo qoondeeyay sida ay u kala horreeyaan gargaarka Bini’aadantinimo ee loogu talo galay dadka ugu nugul saameeynta fatahaada iyo daadad ka dhasha roobabka Elnino.

Bishii August ayay sheegtay Qaramada Midoobay iyo la howlgalayaasheeda, in ay saadaaliyeen in bulshada ugu nugul duufaanta Elnino ay noqon doonaan kuwa ku nool deegaanada Hirshabeelle (Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan), iyo Jubaland (Gedo), kuwas oo horey usoo maray taariikh ahaan  saamaynta ugu weyn ee fatahaadaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay kaloo sheegtay in ay kor u qaadeen welwelka ku saabsan dhaqaale yaraanta hadda jirta, taasoo saamaysay u diyaargarowga caawinta dadka nugul.

Like it? Share it!

Leave A Response