Madaxweyanha Kenya oo isku shaandheyn ku sameeyey Golahiisa Wasiirrada

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 115 views

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu  isku shaandhayn lama filaan ah ku sameeyay inta badan Golihiisa Wasiirada, kuwaas oo xilkaas loo magacaabay tan iyo markii uu ku soo baxay xafiiska ugu sarreeya dalkaas.

Isku shaandheentaan uu sameeyey Madaxweyne Willian ayaa keentay in Wasiirka koowaad ee dalka Kenya Musalia Mudavadi uu u magacaabo in uu noqdoWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kenya taasi oo uu horay uu u hayey Dr. Alfred Mutua.

Sidoo kale Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kenya Dr. Alfred Mutua ayaa loo magacaabay Wasiirka Dalxiiska Kenya, kaddib markii xilka uu ka qaaday Madaxweyne William Ruto Wasiirka Dalxiiska Kenya.

Xil ka qaadista Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Dr. Alfred Mutua ayaa ku soo aadeysa maalmo ka dib markii Wasiirku uu sheegay in Booliska dalka Kenya ee howlgalka nabad ilaalinta ee Haiti ee ay Kenya hogaamiso la geyn doono waqti yar gudaheed.

Hadalka Alfred Mutua ayaa yimid wax yar ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay ciidamadan Isniintii, waxaana la soo saaray ka hor hadalka madaxweyne William Ruto.

Gudaha dalka Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socotay hadal hayn ay bulshada dhexdeeda kaas oo ku saabsan Golaha Wasiirrada dalkaas, iyada oo soo jeedin ka keenay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay sheegeen in aysan u qalmin Wasaaradaha loo magacaabay.

Like it? Share it!

Leave A Response