Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay horjooge ka tirsan AS

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 101 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay hawgal ay iska kaashadeen Ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamka in lagu dilay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay dowladdu ku sheegtay in uu ahaa xubin u qaabilsan kooxda dhanka dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in, “Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Faarax Yare iyo xubnaha kale ee wehlinayay ayaa hawlgalka lagu beegsaday xilli ay marayeen tuulada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.”

Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sii yiri, “Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) uu ahaa oday dhaqan beenaad kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji ayaa isna lagu soo afjaray hawlgalkaas.”

Dhinaca kale, Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda iyo Saaxiibada Caalamka ay hawlgal qorsheysan ka wadaan dhulka hawdka ah ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, “halkaas oo in kabadan tobban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab,” sida lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda.

May be an image of text

Like it? Share it!

Leave A Response