Shir looga hadlayey Arrimaha Bini’aadanimada oo maanta ka furmay magaalada Baydhabo

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 124 views

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga qabsaday Al-Shabaab iyo Xaalada El-Niño ee dalka ku soo wajahan, waxaana daahfurkiisa Ra’isulwasaare Saalax ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.

Shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirrada maareynta musiibooyinka maamul Goboleedyada dalka, waxaana la filayaa gunaanadka shirka in laga soo saaro qodob caddeena ajandayaashii looga hadlay shirka inta uu socday.

Like it? Share it!

Leave A Response