Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

by admin | Tuesday, Apr 13, 2021 | 343 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogvaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Mavaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu uga qeyb galay shirar looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka walow aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa la kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ka wada hadlay xal ka gaarista khilaafka doorashada

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka hadlo xaalada soyaasadeed ee dalka iyo khilaafka xoogan oo weli kajira doorashada Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response