Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah riday

by admin | Tuesday, Apr 13, 2021 | 316 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee Militirga Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaas oo qof Shacab ah ku dilay duleedka Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Dable Galad Xaashi Warsame oo katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya Gaar ahaan NabadSugida, waxaana lagu helay dilka qof Shacab ahaa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad  Gashaale Maxamed Aamiin oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Galad Xaashi Warsame lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa waxaa ay horay xukuno kala duwan waxaa ay ugu riday askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno kamid ah Al-Shabaab, kuwaas lagu helay dambiyo kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response