Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka

by admin | Tuesday, Apr 13, 2021 | 274 views

Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay muddo kororsiga ay Xildhibaannada Shacabka u sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Senator Bob Menendez oo ah Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay curyaamineyso geedi socodka lagu baadi goobayo qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo.

“Doorashooyinka waqtigooda dhaca waa tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda caafimaadka qabta. qorshaha muddo kordhintu waa jebinta qawaaniinta dimuqraadiyadda & halista xasilloonida Soomaaliya ayaa waxaa agu yiri’ Qoralka Sanoter-ka.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Daneeyayaasha inay gaaraan is afgarad, isla markaana la joojiyo isku dayga lagu wiiqayo wadahadalka oo ah wadada loo maro doorashooyinka lagu kalsoon yahay.
Warkan kasoo baxay Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka

Like it? Share it!

Leave A Response