Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi oo magacaabay Wasiir cusub

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 155 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, isaga oo magacaabay wasiir cusub.

Madaxweyen Muuse Bixi ayaa Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud u magacaabay in uu noqda Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Axmed Aadan Jaamac oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ka qaaday xilkii uu hayey.

Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland lagu xusin sababta rasmiga ee xilka looga qaaday Wasiir Jaamac, balse waxaa lagu xusay xilka qaadistiisa in ay tahay sunnada Siyaasadda.

Like it? Share it!

Leave A Response