Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo cambaareysay dilka weriye Cabdifitaax qeys

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 153 views

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa camabareysay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha wariye C/fitaax Macalin Nuur ‘Qeys’.

Weriye Cabdifitaax Macallin Nuur qeys oo ahaa agaasimihii telefishinka Somali Cable xafiiskiisa Muqdisho, ayaa kamid ahaa dhowr qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

“Waxaan aad uga xunahay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha wariye C/fitaax Macalin Nuur ‘Qeys’. Waxaan tacsi u diraynaa eheladiisa. Waxaan cambaareyneynaa falkaas waxooshnimada ah, ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kale sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed oo ka go’an in ay helaan nabad, cadaalad iyo barwaaqo.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay weriye Cabdifitaax Qeys, oo maanta aas ballaaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response