Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay sanadka inta ka dhiman in Shabaab looga xorayndoono dalka

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 163 views

Madaxweynaha Dowladda federalka Soomaaliya, Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay sanadkan inta ka harsan inay Alshabaab dalka kaga xorayn doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in ay dowladdu diyaarisay 20,000 askari, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Shabaab ka saaraan dhulka ay joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay ciidankaas inay yihiin ciidankii ugu badnaa ee ay dowladdu ugu talo galo gashay inay dalka xoreeyaan Alshabab. Waxaa kale oo madaxweynuhu sheegay in beesha caalamku ay ku garab taagan tahay Dowladda dagaalka ay kula jirto Alshabaab.

“Soomaaliya inta sanadka ka dhiman, Shabaabka dalka waa ka tirtirmayaa, ama meelo kooban oo ay dadka iyo dowladnimada aysan waxba ugu dhimi Karin ayay kusoo harayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay weli inuu socdo wajigii 1aad ee Alshabaab dalka looga xoraynayo. Wuxuu sheegay in ciidanka Dowladda haatan ay ku wajahan yihin magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur.

Wuxuu madaxweynuhu tilmaamay labadan magaalo in ay yihiin labo degaan oo haddii laga saaro Alshabaab aysan suurtagal ahayn inay sii joogi karaan Galmudug.

Caqabada ugu weyn ee hortaagan in Shabaab dalka laga xoreeyo, ayuu ku tilmaamay cunaqabataynta hubka. Wuxuuse madaxweynuhu rajo ka muujiyay in caalamka ka qafiifindoono Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response