Wariye maalintii labaad ku afduuban muqdisho.

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 196 views
#MUQDISHO: Maalintii labaad ayuu Mohamed Ibrahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate – SJS ugu xiran yahay Muqdisho.
Niman ku hubeysan bastoolado oo dhar cad ahaa ayaa weerar gacan qaad ah ku billaabay Baulbul shalay iyagoo ka dibna kaxaystay. Dowr saacadood oo la weysanaa ka dib waxay geeyeen xarunta CID ee kasoo horjeedka dekedda Muqdisho. Ma jirto wax eedeyn ah illaa hadda loo keenay. Qabashadiisuna looma heyn wax sharci ah.
Bulbul waxaa loo diiday in la booqdo. Illaa hadda qoyskiisa iyo qareenada SJS ma arki karaan.
Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ugu baaqeysaa kooxda heysata Bulbul inay shuruud la’aan ku sidaayaan, ayna joojiyaan hanjabaadda ay ku hayaan.
Like it? Share it!

Leave A Response