Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug oo kulmay kadib khilaaf jiray

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 306 views

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan ku yeeshay xeendaabka Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho todobaadyo kadib oo ay Muqdisho ku wada sugnaayeen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug, kaas oo ka dhashay hadal uu Madaxweynaha Puntland ku duray dhiggiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka soo kala jeeda labada Maamul ayaa ka Shaqeeyay kulanka labada Madaxweyne Dowlad Goboleed si ay xal uga gaaraan khilafka u dhaxeeya ugana wada qeyb galaan Shirka looga hadlayo arrimaha dorashooyinka.
Wararka kale ee kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa hehsiisyo hore oo ay ku gaareen Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ee Saciid Cabdullaahi Deni & Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa dhowr oo hore waxaa ay yeesheen kulamo kala duwan oo qaarkood ay ku heshiiyeen inay ka wada Shaqeeyaan sugida Amniga iyo dhanka horumarka.

Like it? Share it!

Leave A Response