Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 315 views

Waxaa lagu wadaa in Maanta maalintii labaad Xarunta teendhada Afisiyooni ay kulan ku yeeshaan Maaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle & guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo aan aheyn mid rasmi ah ayaa waxaa ka maqan madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, kuwaas oo sheegay in aysan shirka tegi doon in ilaa iyo inta laga saxayo Ajandaha Shirka iyo in xal laga gaaro dhacdadii 19-kii Febaraayo ka dhacday Muqdisho.

Kulanka Maanta oo daba socda kulankii shalay ayaa sigaar ah u dhex-mari doonaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Maamul goboleedyda taageersan.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay la socdaan shirkii shalay furmay, hayeeshee ay muhiim tahay inay sii socdaan kulamada aan rasmiga aheyn si dhinacyada ay u dhameystirmaan.
Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii la isugu soo dhawyen lahaa Madaxda Soomaalida, isla markaana Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay shirkaasi uga qeyb geli lahaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response