Madaxweyne Farmaajo oo Socdaal ku tagaya Dalka Sudan.

by admin | Wednesday, Aug 1, 2018 | 887 views

Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur ayaa laga soo xigtay safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku tagayo Magaalada Khartuum ee Caasimadda Sudan.

Martiqaadka Madaxweyne Farmaajo uu ka helay Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku qoran in todobaadka soo socda wafdiga uu hogaaminayo ay tagayaan Sudan.

Waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan waxaa kamid ah:- Xoojinta Xiriirka labada dal iyo kala saxiixashada Heshiis ay wada gaarayaan labada Madaxweyne.

Warbaahinta Sudan oo soo xiganeysa Wasiiru Dowladda Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Macalin Nuur ayaa daabacday in ay kulamo yeelanayaan Farmaajo iyo Al-Bashiir, si wada hadalkooda uu noqdo mid mira dhala sida hadalka loo dhigay.

Ma uusan bixin Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha sida gaarka ay ku falanqeynayaan kolka ay kulmaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan.

4-tii Oktoobar sanadkii tagay 2017-kii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal ku tagay Wadanka Sudan, kadib Maritqaad uu ka helay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir.

Soomaaliya iyo Sudan ayaa xubno ka ah Urur Goboleedka IGAD, waxaana loo badinayaa socdaalka Farmaajo ee Khatuum isbadalada Nabadeed iyo Geedi socodka Bariga Afrika ka socda.

Like it? Share it!

Leave A Response