DHAGEYSO: Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay Xaaladda amniga iyo Mashariic ay ka hirgelinayaan Deegaanada Maamulkaasi..

by admin | Wednesday, Aug 1, 2018 | 914 views

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay Xaaladda Ammaan ee Deegaanada Maamulkiisa ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee heysata ay tahay amni darada.

Waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe ay ku sugayaan ammaanka, Ciidamada Hir-Shabeelle ay wadaan abaabul Xooggan oo ay ugu diyaar garoobayaan Sugidda amniga.

Si gaar ah waxa uu usoo qaaday jidadka u xirmay Xaaladaha amni darro, isagoona xusay in Culeys ay ku hayaan, waxa uuna sheegay in aan kasii hordhaceen Howlgaladooda maadaama arrimo amni quseeya uu yahay.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday Mashaariic dhismo u badan oo laga bilaabayo Deegaanada Hir-Shabeelle.

Bishaan August waxa uu tilmaamay in la dhisi doono Xarunta Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle, qorshaha xiga uu yahay dhismaha Madaxtooyada Rasmiga ah iyo Jidadka.

Madaxweyne Waare ayaa taageero u raadinayo Dhismaha Xarumo muhiim u ah Maamulkiisa, si ay kaga qayb qaataan dib u dhiska Goobo muhiim u ah.

Like it? Share it!

Leave A Response