Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay ururka Haweenka

by admin | Thursday, Aug 24, 2023 | 158 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.”

Dhanka kale haweenka kulankaan ka qeyb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta dagaalka, sida lagu sii yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Guddiga Wacyigelinta Qaranka.

Like it? Share it!

Leave A Response