Dal Muslim ah oo soo bandhigay diyaarad Drone cusub oo gaari kara ilaa dhulka Israa’iil!

by admin | Wednesday, Aug 23, 2023 | 144 views

Wasaaradda difaaca iyo saadka ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa soo bandhigtay diyaaradan Mohajer-10, Talaadadii shalay, taasoo qeyb ka ah bandhig iyo xaflado lagu xusayo maalinta warshadaha difaaca Iran.

Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo taliyeyaasha sare ee ciidamada iyo ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Diyaaradan Drone-ka ah ayaa u muuqaal eg nooca (MQ-9 Reaper) oo uu Maraykanku sameeyo. Waxaa la sheegay in ay qaadi karto Bambaanooyin kala duwan iyo qalabka ka hortagga Raadaarka iyo in loo adeegsan karo dhanka sahanka ama sirdoonka.

Drone-kan ayaa waxa uu qaadi karaa gantaalo dhan 300kg, waxa uu ku duuli karaa xawaarihii ugu badnaa 210km saacadiiba, waxa uuna qaadi karaa 450 litir oo shidaal ah.

Warbaahinta ayaa sheegtay in diyaaradan ay si aan joogsi lahayn ugu socon karto joog dhan 7,000 mitir (4,350ft) ilaa 2,000km (1,242 miles), taasoo la macno ah in ay gaari karto Israel.

Warbaahinta Iran ayaa Talaadadii sidoo kale daabacday sawiro xayeysiinta diyaaradda Mohajer-10, sawiradaasi oo lagu muujinayo diyaaradan oo dul heehaabaya xarunta Nukliyeerka ee Dimona ee Israa’iil iyadoo lagu qoray “Diyaar u noqo in lagu burburiyo”, oo ku qoran farta Farsiga iyo

Like it? Share it!

Leave A Response