Mareykanka oo kordhiyay xaaladda deg degga ah ee uu Soomaaliya saaray 2010kii

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 966 views

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu mareykanka saaray Soomaaliya sanadkii 2010kii.
Arrintan waxaa ay la xiriirtaa walaaca Mareykanka ee Argagixisada iyo Burcad Badeedda,waxaana xaaladda ay Soomaaliya ku jirto Mareykanka uga diiwanageshan tahay deg deg taas oo dhaceysay Bisha May ee soo socota.
Madaxweyne Trump ayaa arbacadii saxiixay muddo kordhin halsano ah oo lagu sheegayo in halista Argagixisada iyo Burcad Badeedda Soomaaliya ay wali taagan tahay.
Waraaqda ka soo baxday aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markii ugu horreysay xaaladdan la soo rogay Sanadkii 2010kii,dhowr jeerna la kordhiyay iyada oo xaaladda deg degga ah ee ugu dambeysay ay dhaceyo Bishan April.

Mareykanka ayaa dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab,waxaana inta badan uu geystaa weerarro u badan dhinaca cirka oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn.
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheega in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Federaalka ah iyo AMISOM ay howlgallo ka dhan ah AL-shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response