Guddoomiye ku xigeenka Dayniile oo isku day dil ka badbaaday

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 1094 views

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda maamulka Degmada Dayniil ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay ka badbaaday isku day dil kaddib markii Gaari uu watay uu qarax ku qabsaday Isygoyska Sanco ee Magaalada Muqdisho.
Axmed Nuur Adeeroow ayaa u sheegay warbaahinta  in weerarka uu dhacay xilli Gaari uu watay uu marayay Isoyska Sanco ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacayay uu goobta maray Gaari nooca raaxada ah,hayeeshee Gaariga isaga uu watay uu ku aaddanaa Miinada.
“Annaga waxba nama gaarin,waxaase ka xumay waxaa weerarkaas wax ku noqday dad shacab ah,wixii dhintay weyba dhinteen,laakiin kuwa dhaawaca ah ayaan u gurmanay”,ayuu yiri Adeerow.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in 3 Qof ay ku geeriyootay qaraxaas 8 kale oo ay ka mid yihiin ilaalada Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Dayniile ay ku dhaawacmeen.

Like it? Share it!

Leave A Response