Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday nin katirsanaa Al-shabaab

by admin | Tuesday, Jan 2, 2024 | 97 views

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday Ibraahin Cismaan Macaljn Abiikar oo lagu helay inuu ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Ninkaan xukunka xabsi daa’inka ah lagu riday ayaa la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta agabyada u badan qaraxyada oo uu ku qaadi jiray Mooto laba lugaaleeyda ee loo yaqaano Fekon.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in Ibraahin Cismaan iyo nin kale oo la socday iney ka dambeeyeen qarax miimo oo ka dhacay Xagarka Buush oo ku yaala magaalada Baydhabo, kaasoo ay ku dhinteen sadax ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen lix ruux oo kale.

Ninkaan ayaa ciidamada nabbad sugida Koonfur Galbeed ay gacanta kusoo dhigeen bishii July ee sannadkii lasoo djaafay, waxaana baaris dheer oo maxkamadda ku sameysay lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ee ahaa inuu kooxda Al-shabaab ka tirsanaa uuna fuliyay qaraxyo miino.

Like it? Share it!

Leave A Response