Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta ku dhawaaqeysa xukunka masuuliyiin iyo saraakiil loo haysto xatooyo Xoolo dadweyne

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 76 views

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Maxkamada gobolka Banaadir ay soo gabagabeyso dhageysiga dacwada loo haysto 11 eedeysane oo isugu jira masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan hay’addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Xubnahaan oo isugu jira masuuliyiinta iyo saraakiil ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta horey ugu soo eedeysay musuq maasuqa xatooyo Xoolo dadweyne, kuwaas oo dacwada eedaha lagu soo oogay mudooyinkii dambe ay ku howlaneed maxkamada gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha maanta la filayo in Maxkamada ay ku rido xukuno kala duwan ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Bangiga dhaxe, Wasaarada Maaliyadda iyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Xubnahaan ayaa intooda badan iska fogeeyay eedeymaha loo haysto, iyagoo sheegay ineysan waxba ka jirin dambiyada lagu soo oogay ee la xariira iney sameeyeen xatooyo Xoolo dadweyne.

Gabagabadii waxaa si weyn il gaar ah loogu haya maanta go’aanka Maxkamada gobolka Banaadir kasoo saareyso kiiskan dhageysigiisa uu soo socday mudooyinkii dambe, waxaana xusid mudan iney jiraan masuuliyiin iyo xubno kale oo ku eedeysan xatooyo Xoolo dadweyne oo dalka dibadiisa u baxsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response