Ciidanku dowladda oo saakay fashiliyay labo gaari oo qaraxyo lagasoo buuxiyay oo ku wajahnaa Dhuusomareeb

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 128 views
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo Alshabaab  ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, Ciidamada ayaa ku guulaystay in labada gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb.

Waxay dowladdu sheegtay in uusan jirin wax khasaare ah oo ciidaamada amniga kasoo gaaray fashilinta qaraxyadan,

Qaraxyadan ayaa loo waday in lagu weeraro halka uu magaalada Dhuusomareeb kaga sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaas oo kale madaxweynaha Galmudug oo ku sugnaa degaanka Laas Gacamay lagusoo weeraray gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa weerarkaas fashiliyay Askari katirsan ciidanka Galmudug, kasoo gaari uu waday ku horgooyay gaariga qaraxa lagasoo buuxiyay.

Waxaa weerarkaas ku dhaawacmay senataro iyo xildhibaano la socday madaxweynaha Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response