Xukunno kala duwan oo lagu riday Masuuliyiin iyo saraakiil u xirnaa Musuq maasuq

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 155 views

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw xukunno kala duwan oo xabsi ah ku riday qaar kamid ah masuuliyiintii iyo saraakiishii lagu helay in ay galeen eedeymo musuq maasuq, halka maxkamadda dib xuriyadooda ugu celisay xubno lagu waayay dambi.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaana ku dhawaaqay xukunnada lagu riday masuuliyiinta iyo saraakiisha u xirnaa musuq maasuqa, waxaana xubnaha xukunkooda lagu dhawaaqay katirsanaayeen wasaaradda maaliyadda, shaqada, bangiga dhaxe iyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xubnaha maxkamadda xukunka ku riday xubno maqanayaal ah oon kasoo muuqan kiiska maxkamadda intii uu socday, xubnahaasi maqanayaasha qaarkood ayaa lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay halka kuwa kalana lagu waayay.

Halkan ka akhriso magacyada masuuliyiinta iyo saraakiizha xukunnada kala duwan lagu riday

1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

2- Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah

3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah

4- Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

5- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah.

6- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahna shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.

7- Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

8- Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

9- Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamulkii xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde  ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

10- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

11- Maxamed Aadan Cabdullaahi, ahna maamulka Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaana sheegay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda ku riday in ay u furan tahay in ay ka qaadato racfaan, si mar kale kiiskooda loogu laabto.

Like it? Share it!

Leave A Response