Olole loogu jiro in la xiro aaladda Facebook oo meel xasaasi ah maraya & Arin Cusub oo laga helay

by admin | Thursday, Mar 22, 2018 | 1209 views

Waxaa sii xoogeystay ololaha loogu jiro in la xiro warbaahinta bulshada ee Facebook, kadib markii la sheegay in macluumaad badan oo malaayiin dadka adeegsada leeyihiin la xaday.
“Dhammaanteen waxaan kasoo wareegnay MySpace. Si la mid ahna waan ka wareegi karnaa Facebook. Tani waxa ay ahayd farriin lagu gudbiyay Twitter ka dib markii ay soo baxday eedeynta ah in shirkadda Cambridge Analytica ay adeegsatay xogta shakhsiga ah ee 50 milyan oo ah dadka adeegsada barta Facebook, si ay galaangal ugu yeelato doorashadii Maraykanka ka dhacday 2016kii.
Ka dib waxaa si xowli ah baraha bulshada uga bilowday baahidda helheysyada #DeleteFacebook iyo #BoycottFacebook oo macnahoodu yahay masaxFacebook iyo qaadacFacebook, kuwaas oo looga falcelinayo eedeyntaasi.
Astaanta #DeleteFacebook ayaa xoogeysatay ka dib markii uu qof Twitter-ka wax ku qora soo xigtay waraysi ay BBC sannadkii 2017 la yeelatay Cambridge Analytica, kaas oo ay Theresa Wong uga hadashay Cambridge Analytica, markii horena qeyb ka ahaa taxanaha BBC Two ka baxa ee Secrets of Silicon Valley.
Taasi ayaa horseeday in dadka ay ku biiraan kacdoonka ka dhanka ah Facebook, ayadoo Mark Hoppus oo ka tirsan barta blink-182 uu muddo 24 saac ah 6,000 oo like ka helay markii uu soo qoray “Iska Xir Facebook”
Balse dad badan ayaa su’aal geliyay waxa ay ka dhigan tahay in bar bulshadu ku wada xiriirto laga cawdo ayadoo oo la adeegsano mid kale.
Mid ka mid ah dadka fekerkooda ka dhiibtay astaanta #DeleteFacebook ayaa si kaftan leh u qoray “Cabashada ka dhanka ah Facebook ayaa arrin hadal heyn leh ka noqotay Twitter oo ah bar kale oo aruurisa macluumaadka shakhsiga ah ee dadka adeegsada.
Mid kale ayaa isna ku taliyay in maadaama Instagram uu leeyahay Facebook,”haddii aad mid ka baxdo, waa in sidoo kale aad xirtaa kan kale.
Afhayeen u hadashay shirkadda Privacy International ayaa ka digtay in walaaca ammaanka xogta shakhsiga ah ay dhaafsiisan tahay Facebook.

Like it? Share it!

Leave A Response