Cabsi laga qabo in Shabaab ay la wareegaan degmaa Ceel-waaq

by admin | Wednesday, Mar 21, 2018 | 1175 views

Guddoomiyaha Ceel-waaq Ibraahim Aadan oo la hadlay   ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee degmada Ceel-waaq.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaalad amni daro ay ka jirto degaanada hoos yimaada Degmada Ceel-waaq, lagana yaabo in dhibaato ay dhacdo.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamadii Millatariga ahaa ee degmada joogay in ay ka baxeen degmada isla markaana hada aysan degmada joogin ciidamo badan oo suga amniga guud ee degmada Ceel-waaq.

Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay dhowr mar weerar ku soo qaadeen degmada sidoo kalena shacabka ay dareemayaan cabsi xoogan.

“Een waxa jirta cabsi la xiriirta in Shabaab ay la wareegaan degmada Ceel-waaq, sababtoo ah Ciidamadii Milliatriga ee degmada joogay way baxeen, shacabka waxay dareemayaan cabsi.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Like it? Share it!

Leave A Response